Maxaa lagaga hadlay Shirkii 71-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland?

Wednesday August 12, 2026 - 18:01:04
hadhwanaagnews
2. Xaaladda guud ee caafimaadka dalka
May be an image of one or more people and text



Hargeysa – Fadhigii 71-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, waxaana shir-guddoominayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi.


 

Shirka waxaa lagu lafa-guray arrimo la xidhiidha amniga dalka, xaaladda caafimaadka iyo Siyaasadda Warbaahinta Qaranka.

 

1. Xaaladda guud ee amniga dalka

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha Wasiirrada ka warbixiyey xaaladda guud ee amniga dalka.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in guud ahaan amniga Somaliland yahay mid sugan oo xasilloon, isla markaana aanay jirin qalalaase ama xasilooni-darro guud oo ka jirta gobollada Somaliland.

 

Waxa uu sidoo kale ka warbixiyey dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha bulshada iyo adkaynta amniga ee gobollada Awdal iyo Selel, halkaas oo ay socdaan hawlo la xidhiidha gogosha nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in bulshada ku nool labada gobol ay muujiyeen rabitaan ku aaddan nabad, wada-noolaansho iyo xasillooni waarta, taas oo uu tilmaamay inay muujinayso in xal waara lagu gaadhi karo wada-hadal iyo is-afgarad bulsho.

 

2. Xaaladda guud ee caafimaadka dalka

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa Golaha Wasiirrada uga warbixiyey xaaladda adeegyada caafimaadka dalka iyo hawlaha Wasaaradda.

 

Wasiirku wuxuu sheegay inuu safarro shaqo ku tagay gobollada Togdheer iyo Saaxil, halkaas oo uu ku qiimeeyey baahiyaha caafimaad iyo hab-sami-u-socodka adeegyada bulshada.

 

Waxa uu magaalada Burco ka daah-furay wejiga labaad ee Barnaamijka Better Life, kaas oo taageero caafimaad iyo adeegyo kala duwan siinaya 28 xarumood oo caafimaad oo ku yaalla Gobolka Togdheer.

 

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay gaadhsiisay gobollada Saaxil iyo Sanaag mishiinnada CT-Scan, kuwaas oo wax weyn ka tari doona baadhista iyo ogaanshaha cudurrada iyo daboolidda baahiyaha caafimaad ee gobolladaasi.

 

3. Siyaasadda Warbaahinta Qaranka

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay ujeeddada Siyaasadda Warbaahinta Qaranka.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in siyaasaddan looga gol leeyahay dhismaha warbaahin xor ah, madax-bannaan, masuul ah oo xirfad leh, isla markaana ka jawaabi karta baahiyaha bulshada iyo himilooyinka qaranka.

 

Waxa uu Golaha u sheegay in Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku xaqiijiyey in Siyaasadda Warbaahinta Qaranku waafaqsan tahay Dastuurka iyo shuruucda Somaliland.

 

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in siyaasaddani door ka qaadan doonto xoojinta is-fahamka iyo isku-xidhka Saxaafadda, bulshada iyo hay’adaha dowladda, iyadoo sidoo kale uu ku tilmaamay inay laf-dhabar u noqon karto xoojinta amniga iyo ilaalinta akhlaaqda bulshada.

 

Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafintu wuxuu xubnaha Golaha Wasiirrada ka codsaday inay akhriyaan oo ka doodaan nuqulka Siyaasadda Warbaahinta Qaranka.

 


 

     
Loading...