Warbixin Military: Aqoonsiga Somaliland oo u Muuqda Mid Soo Dhow, Saameyn Istaraatiiji ahna Leh

Wednesday March 25, 2026 - 16:39:12
HADHWANAAGNEWS
Saldhigyo milatari oo ku yaalla dekedda Berbera



Mareegta caalamiga ah ee Military.com ayaa warbixin ay daabacday ku sheegtay in ay si cad u muuqato suurtagalnimada aqoonsi buuxa oo Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka, gaar ahaan Maraykanka, arrintaas oo ay ku tilmaantay mid leh saameyn istaraatiiji ah oo ballaadhan oo ku saabsan Geeska Afrika.


 

Warbixinta oo uu qoray Robert Billard ayaa tilmaantay in Somaliland ay Maraykanka u bandhigtay heshiisyo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:


 

Saldhigyo milatari oo ku yaalla dekedda Berbera


Helitaanka macdano muhiim ah sida lithium iyo coltan


 

Bedelkeedana, Somaliland waxay dalbanaysaa aqoonsi rasmi ah oo dowladeed.


 

Warbixintu waxay xustay in arrintani ku soo beegmayso xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee Badda Cas iyo Bariga Dhexe, isla markaana uu sii xoogeysanayo tartanka quwadaha waaweyn ee dunida, gaar ahaan Afrika.


 

Sidoo kale, waxa lagu sheegay in hindise sharciyeedka H.R. 3992, oo uu soo bandhigay Senator Scott Perry, uu weli horyaallo Kongareeska Maraykanka, kaas oo haddii la ansixiyo u gogol xaadhi kara aqoonsi rasmi ah.


 

Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland muddo ka badan 33 sano ay dhistay nidaam dowladeed oo shaqeynaya, isla markaana ay ku naalootay xasillooni, nabadgelyo iyo doorashooyin dimuqraadi ah, taas oo ka duwan xaaladaha dalal badan oo gobolka ah.


 

Waxa kale oo ay xustay in Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland 26-kii Diseembar 2025, iyadoo ay xigtay is-weydaarsi diblomaasiyadeed iyo heshiisyo iskaashi.


 

Dhanka kale, warbixintu waxay tilmaantay in danaha milatari ee Maraykanka ay sii muuqanayaan, iyadoo Taliyaha AFRICOM, Dagvin Anderson, uu booqasho ku tagay Hargeysa iyo Berbera dabayaaqadii 2025 si uu u qiimeeyo xaaladda amni iyo awoodda dekedda.


 

Gabagabadii, warbixintu waxay sheegtay in haddii Maraykanku aqoonsado Somaliland, ay taasi si weyn u beddeli karto isu dheelitirka awoodda ee Geeska Afrika, isla markaana ay Washington siinayso xulafo xasilloon oo istaraatiiji ah oo aan u baahnayn kharashaad badan oo dib-u-dhis ah, iyadoo sidoo kale kor u qaadaysa saamaynta Maraykanka ee gobolka.

     
Loading...