Mareykanka oo Si Joogto ah Weftiyo Militari ugu Soo Diraya Somaliland

Thursday May 28, 2026 - 16:19:18
hadhwanaagnews
Weftiyo Militari oo Labadii Biloodba Mar Yimaada



Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyey sii xoojinayay xiisaha uu u qabo Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera oo leh muhiimad istiraatiiji ah oo dhinaca amniga iyo marinada badda ah.


 

Dhaqdhaqaaqyadaasi ayaa sababay in Mareykanku sameeyo kormeero iyo qiimeynno kala duwan oo ay weftiyo militari ku yimaadaan Somaliland.


 

Taliyaha AFRICOM oo Booqday Berbera


 

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Taliska Afrika (AFRICOM), Janaraal Dagvin Anderson, ayaa dhawaan booqday Somaliland isaga iyo wafdi la socday, si ay u eegaan dekedda Berbera iyo muhiimaddeeda istiraatiijiga ah.


 

Booqashadaasi ayaa qayb ka ahayd dadaallada Mareykanka ee lagu qiimeynayo iskaashiga amni iyo fursadaha militari ee gobolka Geeska Afrika.


 

Weftiyo Militari oo Labadii Biloodba Mar Yimaada


 

Toddobaadkan, ilo ka tirsan dowladda Somaliland ayaa Fox News u sheegay in wafdiyo militari oo Mareykan ahi ay yimaadaan Somaliland labadii biloodba mar.


 

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, booqashadii ugu dambeysay ee wafdi militari oo Mareykan ahi ku yimaaddo Somaliland ayaa dhacday bishii April.


 

Wararkan ayaa muujinaya heerka sii kordhaya ee xidhiidhka amni iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka.


 

Khubaro Militari oo La Shaqeynaya Ciidamada Somaliland


 

Dhanka kale, sarkaal hore oo sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in khubaro militari oo Mareykan ahi ay la shaqeynayeen ciidamada Somaliland tan iyo sanadkii 2023.


 

Arrintan ayaa loo arkaa mid qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tababarrada, tayeynta iyo iskaashiga dhinaca amniga ee Somaliland iyo Mareykanka.


 

Muhiimadda Berbera


 

Dekedda Berbera iyo goobta juqraafiyeed ee Somaliland ayaa si weyn usoo jiitay indhaha quwadaha caalamiga ah, iyadoo loo arko meel muhiim u ah amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marinada ganacsiga caalamiga ah.


 

Xiisaha sii kordhaya ee Mareykanka ee Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli uu gobolka Geeska Afrika wajahayo loollan siyaasadeed iyo mid militari oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.

     
Loading...