Warbaahinta Caalamka Oo Falanqaynaysa Hindisaha Madaxweyne Cirro Ee Machadka Aqoonsi Raadiska Somaliland

Saturday May 30, 2026 - 09:19:18
hadhwanaagnews
Sida lagu sheegay warbixinta, tallaabadan ayaa loo arkaa



Warbixin caalami ah oo ay baahisay AfriNews 24 ayaa lagu sheegay in falanqeeyayaasha siyaasadda iyo warbaahinta caalamku si weyn uga hadal-hayaan hindisihii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku dhawaaqay munaasabaddii 18-ka May 2026, kaas oo ahaa furitaanka Machadka Aqoonsi Raadiska Somaliland.


 

Sida lagu sheegay warbixinta, tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa wejiga cusub ee diblomaasiyadda Somaliland iyo istaraatiijiyad lagu xoojinayo ololaha aqoonsi raadinta, iyadoo la adeegsanayo hab casri ah oo ku dhisan cilmi-baadhis, sharci iyo qorshe diblomaasiyadeed oo nidaamsan.


 

Warbixintu waxay xustay in machadkan cusub uu noqon doono xarun cilmi-baadhiseed oo muhiim ah, isla markaana door weyn ka qaadan doonta kaydinta taariikhda Somaliland, diyaarinta doodaha sharci iyo siyaasadeed, iyo taageeridda qadiyadda madax-bannaanida iyo aqoonsiga Somaliland.


 

Sidoo kale, warbixinta ayaa tilmaantay in machadku diiradda saari doono daraasado cilmiyeed, diyaarinta qoraallo sharciyeed, xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, kaydinta taariikhda halganka Somaliland iyo isku dubbaridka taageerayaasha iyo saaxiibbada caalamiga ah.


 

AfriNews 24 ayaa sheegtay in istaraatiijiyaddan cusub ay ku salaysan tahay isku xidhka cilmi-baadhista, sharciyadda iyo diblomaasiyadda casriga ah, taas oo ka duwan qaababkii hore ee ku koobnaa doodaha taariikhiga ah iyo dareenka waddaniyadeed.


 

Dhanka kale, warbixintu waxay xustay in machadku gacan ka geysan doono diiwaangelinta dhacdooyinkii iyo tacaddiyadii ay soo mareen shacabka Somaliland, si loo ilaaliyo xusuusta qaran iyo xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee la xidhiidha halgankii dib-u-soo-noqoshada madax-bannaanida.


 

Xigasho: Warbixintan waxa lagu sheegay inay kasoo baxday AfriNews 24, waxaana soo xigtay Wargeyska Dawan. Qoraalku wuxuu soo bandhigayaa aragtiyaha iyo falanqaynta lagu sheegay warbixintaas.

     
Loading...