Madaxweyne Cirro Oo Wada Isku Shaandhayn Ballaadhan oo Lagu Sameynayo Xukuumadda Somaliland

Saturday May 30, 2026 - 17:58:46
hadhwanaagnews
Tallaabadan ayaa la sheegay inay la xiriirto dhaliilo soo noqnoqday ...



Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, uu qorsheynayo isku shaandhayn ballaadhan oo lagu sameeyo xubnaha Xukuumaddiisa.


 

Sida ay tilmaamayaan xogaha la helayo, isku shaandhayntan ayaa la filayaa inay saamayso wasiiro iyo agaasimeyaal badan, kuwaas oo qaarkood laga yaabo inay waayaan xilalka ay hadda hayaan.


 

Tallaabadan ayaa la sheegay inay la xiriirto dhaliilo soo noqnoqday oo loo jeedinayay waxqabadka qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda, iyadoo la doonayo in kor loo qaado hufnaanta, dardargelinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta ballanqaadyadii xukuumadda.


 

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo xaqiijinaya waqtiga rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono isku shaandhaynta la filayo, hase yeeshee wararka siyaasadeed ayaa tilmaamaya in isbeddello muuqda ay dhawaan ka dhici karaan golaha wasiirrada iyo hay’adaha dowladda.

 


     
Loading...