Warbixin Caalami Ah: Somaliland Oo Soo Jiidanaysa Maalgashiga Macdanta Iyo Khayraadka Dabiiciga Ah

Saturday July 25, 2026 - 14:28:05
hadhwanaagnews
Sida lagu sheegay warbixinta, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ...



Warbixin ay daabacday Crux Investor, oo ah madal warbaahineed oo caalami ah kuna takhasustay falanqaynta maalgashiga macdanta, ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka mid tahay dalalka Geeska Afrika ee leh khayraad dabiici ah iyo macdano qaali ah, isla markaana loo arko meel leh fursado waaweyn oo dhinaca macdanta ah.

 

Warbixinta, oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, ayaa tilmaantay in inkasta oo warshadaha macdanta Somaliland aanay weli si buuxda u horumarin, haddana sannadihii u dambeeyey uu si weyn u kordhay xiisaha ay maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ahi u muujinayaan sahaminta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

 

Sida lagu sheegay warbixinta, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mudnaan gaar ah siisay horumarinta qaybta macdanta, iyadoo dejisay siyaasado, sharciyo iyo nidaamyo lagu maamulayo bixinta ruqsadaha sahaminta, baadhitaanka iyo soo saarista macdanta. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ay ka shaqaynayso dhiirrigelinta maalgashiga, ilaalinta deegaanka iyo xaqiijinta in khayraadka dabiiciga ah looga faa’iidaysto si hufan oo waara.

 

Warbixintu waxay intaas ku dartay in daraasado iyo xog ay baahisay Xukuumaddu muujinayaan jiritaanka macdano kala duwan oo ay ka mid yihiin dahab, naxaas, bir, gypsum, yuraaniyam, marble, quartz, feldspar iyo dhagxaan qaali ah sida sapphire, emerald iyo ruby. Waxa kale oo lagu sheegay inay jiraan deegaanno badan oo leh rajo sare oo lagu sii sahamin karo macdano kale oo qiimo leh.

 

Crux Investor ayaa sidoo kale xustay in sannadihii ugu dambeeyey ay kordheen shirkadaha caalamiga ah ee muujinaya danaynta iyo xiisaha ay u qabaan sahaminta macdanta Somaliland, taas oo warbixintu ku tilmaantay inay ka tarjumayso kalsooni sii kordhaysa oo lagu qabo awoodda khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

 

Warbixinta ayaa ku soo gunaanadday in Xukuumadda Somaliland ay sii waddo horumarinta sharciyada iyo nidaamyada maalgashiga, soo jiidashada maalgashiga shisheeye, kobcinta awoodaha farsamo iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si qaybta macdantu mustaqbalka uga noqoto tiir muhiim ah oo kobciya dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo dakhliga qaranka.

     
Loading...