Madaxweyne Cirro: "Gobolka Sool Waa Qayb Ka Mid Ah Somaliland, Tabasho Kastana Wada-hadal Ayaa Lagu Xallinayaa"

Wednesday July 22, 2026 - 19:03:19
hadhwanaagnews
Madaxweynaha ayaa ku baaqay in bulshada reer Sool lagu soo dhaweeyo gacmo



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Gobolka Sool uu yahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana bulshada reer Sool ay yihiin walaalo ka tirsan shacabka Somaliland.


 

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in bulshada reer Sool lagu soo dhaweeyo gacmo furan, isagoo carrabka ku adkeeyey in wixii tabashooyin ah lagu xallin karo wada-hadal, is-afgarad iyo walaaltinimo, si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka qaranka.


 

Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa yidhi: "Gobolka Sool waa gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, bulshada reer Soolna waa walaalo reer Somaliland ah. Waxaan ku baaqayaa in lagu soo dhaweeyo gacmo furan, tabasho kasta oo jirtana waxa lagu xallinayaa wada-hadal, is-afgarad, walaaltinimo iyo isku-duubni qaran.”


 

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku adkeeyey muhiimadda nabadda, wadajirka bulshada iyo xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wada-hadal iyo is-faham, si loo sii xoojiyo xasilloonida iyo midnimada qaranka.

     
Loading...