hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews – Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ayaa soo saartay amar cusub oo lagu mamnuucayo isticmaalka madaarrada Hargeysa iyo Berbera ee tigidhada diyaaradaha lagu soo saaray nidaamka BSP-ga Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay Wasaaraddu soo saartay maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka Oktoobar 2026, ayaa lagu sheegay in go’aankani si degdeg ah u dhaqan galay, isla markaana uu khuseeyo dhammaan tigidhada lagu soo saaray nidaamkaas, oo ay ku jiraan tigidhadii hore loo goostay iyo tigidhada tegista iyo soo noqoshada.
Tigidhada Waxa Laga Iibin Doonaa Wakiillada Ruqsadda Haysta
Wasaaraddu waxay sidoo kale ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Noofambar 2026, shirkadaha diyaaradaha loo oggolaan doono inay tigidhada ka iibiyaan oo keliya wakiillada safarrada ee haysta ruqsadda rasmiga ah ee Somaliland.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah go’aanka cusub ee Wasaaradda, kaas oo dhigaya in iibinta tigidhada diyaaradaha lagu saleeyo nidaamka iyo ruqsadaha ay Somaliland aqoonsan tahay.
Shirkadaha Diyaaradaha oo Lagu Amray Inay Rakaabka Wargeliyaan
Dhanka kale, shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu amray inay dib u eegis ku sameeyaan tigidhadii hore loo goostay ee uu go’aankani saamaynayo, isla markaana ay rakaabka ku wargeliyaan shuruudaha cusub.
Wasaaraddu waxay tilmaantay in wargelinta rakaabku muhiim u tahay ka hortagga carqaladaha ku iman kara safarradooda, gaar ahaan dadka hore u goostay tigidhada ay saamaynayso mamnuucidda cusub.
Go’aankan ayaa si toos ah u khuseeya tigidhada lagu soo saaray nidaamka BSP-ga Soomaaliya ee la doonayo in lagu isticmaalo madaarrada Hargeysa iyo Berbera, iyadoo shirkadaha diyaaradaha laga filayo inay u hoggaansamaan awaamiirta cusub ee Wasaaradda.