hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews – Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Gen. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa maanta sagootiyey sagaal sarkaal oo ku guulaystay deeq waxbarasho oo heerka labaad ee jaamacadda ah, kana helay jaamacad ku taalla dalka Itoobiya.
Taliyaha ayaa sheegay in sagaalkan sarkaal ay ka mid yihiin 20 sarkaal oo u fadhiistay imtixaanka deeqdan waxbarasho, isaga oo xusay in aanay jirin cid faragelisay ama cid gaar ah u riixday helitaanka deeqaha, balse sarkaal kasta uu ku guulaystay aqoontiisa, fikirkiisa iyo kartidiisa.
Gen. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay ilaaliyaan sumcadda Somaliland iyo tan Ciidanka Booliska ee ay matalayaan inta ay waxbarashada ku guda jiraan dalka Itoobiya.
Isaga oo la hadlayey saraakiisha, ayuu yidhi:
"Sagaalka sarkaal ah ee u baxaya jaamacadda Itoobiya, nin-na kuma iman cid wadatay ama riixaysay, ciddii doontaaba ha wadatee, ee wuxuu ku yimi qalinkiisa iyo fikirkiisa. Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad noqotaan qaar Somaliland iyo Ciidanka Booliskaba ammaan u soo jiida. Dhaqanka aad sidataan waa inuu ahaadaa kii Islaamka oo qurux badan, waayo qof walba oo halkan ka tagayaa waa safiir.”
Taliyaha ayaa ugu baaqay saraakiisha inay muujiyaan akhlaaq wanaagsan, isla markaana ay noqdaan kuwo dalkooda iyo ciidankooda ku metela si wanaagsan inta ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya.