hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews – Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buur-madow ayaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqay inay baadhis rasmi ah ku samayso cid kasta oo ka dambaysay ceebayntii lagula kacay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Barkhad Jaamac Batuun, isla markaana dadka falkaas abaabulay maxkamad la soo taago.
Boqor Buur-madow ayaa sheegay in arrinta lagula kacay Wasiir Barkhad Batuun ay ahayd meel ka dhac iyo caddaalad-darro, isaga oo ku tilmaamay inay ka mid ahayd falalkii cunsuriyadda ee hore looga shaqayn jiray.
Waxa uu xusay in dhacdadaasi aanay ahayn mid la iska indho tiri karo, isaga oo xukuumadda ugu baaqay inay baadhitaan dhab ah ku samayso cid kasta oo ku lug lahayd abaabulkeeda, si sharciga loo waafajiyo.
"Xukuumaddu Waa Inay Baadhis Rasmi ah Samayso”
Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buur-madow oo ka hadlayey arrintan ayaa yidhi:
"Arrinta lagula kacay Wasiir Barkhad waxay ka mid tahay cunsuriyaddii laga shaqayn jiray, waxaana arrintan ka shaqeeyey shakhsiyaad gaar ah. Waa arrin xaq-darro ah oo meel ka dhac ku ah. Waxaan soo jeedin lahaa in ficilladaas edeb-darrada ah ay xukuumaddu baadhis rasmi ah ku samayso ciddii abaabushay, maxkamadna la soo taago oo aan lagaga hadhin.”
Baaqan Boqor Buur-madow ayaa ku wajahan xukuumadda Somaliland, isaga oo dalbaday in la baadho dhacdada lagula kacay Wasiir Barkhad Batuun, lana qaado tallaabo sharci ah oo ka dhan ah cid kasta oo lagu helo inay ka dambaysay falkaas.