Madaxweyne Cirro: Somaliland Waxay Xoojinaysaa Xidhiidhka iyo Iskaashiga Ay La Leedahay Israa'iil

Saturday May 30, 2026 - 09:24:57
hadhwanaagnews
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in dhinacyada



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay sii xoojinayso xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay Israa'iil, isaga oo arrintaas ka hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyey The Jewish Chronicle.


 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay ku salaysan tahay ilaalinta danaha qaranka, xoojinta xidhiidhada caalamiga ah iyo raadinta iskaashi ay Somaliland ka faa’iidaysan karto dhinacyada kala duwan.


 

Dr. Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay sii wadayso horumarinta xiriirka ay la leedahay Israa’iil, isaga oo xusay in go’aannada la xidhiidha iskaashiyada caalamiga ahi ay ku salaysan yihiin danaha iyo mudnaanta qaranka Somaliland.


 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in dhinacyada aan ku qanacsanayn iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil ay xaq u leeyihiin inay raacaan aragtidooda iyo danahooda gaarka ah, halka Somaliland ay sii wadi doonto siyaasadaha ay u aragto kuwo waxtar u leh danaheeda qaran.



 

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan doodo la xidhiidha xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee Somaliland la yeelanayso dalal kala duwan.

     
Loading...