Wasiirka Warfaafinta: "Warbaahinta Dawladdu Waxay Door Ka Qaadan Doontaa Wacyigelinta Bulshada"

Wednesday July 22, 2026 - 15:10:23
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa xusay in warbaahinta rasmiga ahi ay leedahay door muhiim ....



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), ayaa sheegay in warbaahinta dowladda iyo baraha bulshada loo adeegsan doono xoojinta wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista fahamka dadweynaha ee arrimaha muhiimka ah.


 

Wasiirka ayaa xusay in warbaahinta rasmiga ahi ay leedahay door muhiim ah oo ku aaddan gudbinta xogaha saxda ah iyo fidinta farriimaha wacyigelinta, isaga oo tilmaamay in sidoo kale si wax-ku-ool ah looga faa’iidaysan doono baraha bulshada si fariimahaasi u gaadhaan bulshada qaybaheeda kala duwan.


 

Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun) ayaa yidhi: "Baraha bulshada iyo warbaahinta dawladda ayaa qayb ka noqon doona wacyigelinta bulshada.”


 

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey in Wasaaradda Warfaafintu sii xoojin doonto doorka warbaahinta dowladda iyo adeegsigooda tiknoolajiyadda casriga ah, si loo kobciyo wacyiga bulshada loona taageero barnaamijyada horumarinta iyo danta guud ee qaranka.

     
Loading...