Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo sheegay in si gaar ah loola xisaabtami doono cid kasta oo dembi gasha

Sunday August 16, 2026 - 13:24:20
hadhwanaagnews
"Wixii hadda ka dambeeya qofkii dembi gala, gacan baa la saarayaa."



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in qof kasta oo dembi gala si shakhsi ah loola xisaabtami doono, gaar ahaan dadka ku lug yeesha falalka la xidhiidha colaadda gobolka Salal.

 

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddu tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo dembi gasha, isaga oo yidhi:

 

"Wixii hadda ka dambeeya qofkii dembi gala, gacan baa la saarayaa.”

 

Cabdalle Maxamed Carab ayaa caddeeyey in aan qofka dembiga gala qabiil ahaan loola xisaabtami doonin, balse masuuliyadda dembiga ay qaadi doonto cidda fulisa, isla markaana qofkaasi mari doono ciqaabta uu sharcigu dhigayo.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in odayaashii ka qayb qaatay nabadaynta gobolka ay Xukuumadda ku wareejiyeen heshiiskii ay gaadheen, isla markaana ay ku dhaarteen inay fuliyaan qodobbada heshiiska.

 

Waxa uu intaas ku daray in qof kasta oo dil ama dembi kale geysta la horgeyn doono maxkamadda, si loo mariyo nidaamka iyo waajibka sharciga ah.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa bulshada ugu baaqay inay dhowraan heshiiska nabadeed, isla markaana iska kaashadaan ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka Salal.

     
Loading...