Wasiirka Biyaha oo Ceel Cusub ka Hirgeliyey Riyo-xidho

Wednesday August 19, 2026 - 13:40:07
hadhwanaagnews
Ceelkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo UNICEF

May be an image of one or more people


Togdheer (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanka Riyo-xidho, halkaas oo uu xadhigga ka jaray ceel cusub oo muhiim u ah magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

 

Ceelkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo UNICEF ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono baahida biyood ee bulshada deegaanka iyo nawaaxigeeda.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale kormeer iyo xog-ururin ku sameeyey deegaannada ku teedsan xadka Gobolka Togdheer, isaga oo qiimaynaya baahiyaha ka jira dhinaca biyaha iyo adeegyada loo baahan yahay.

 

Wasaaradda Horumarinta Biyaha ayaa qorshaynaysa in la dardargeliyo mashaariicda biyaha, si adeegyo biyo oo ku filan loo gaadhsiiyo bulshada ku nool deegaannada baahida weyn qaba.

     
Loading...