hadhwanaagnews
Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Burco tababar dib-u-cusboonaysiin ah uga furtay 123 macallin oo cusub, kuwaas oo ka kala socda gobollada Saaxil, Togdheer, Sanaag, Saraar, Daadmadheedh iyo Badhan.
Tababarkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta cusub, gaar ahaan hababka casriga ah ee waxbaridda, maaraynta fasalka, qorshaynta casharrada iyo qiimaynta waxbarashada.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in ujeeddada tababarku tahay in macallimiinta cusub lagu qalabeeyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah bixinta waxbarasho tayo leh iyo sidii ay uga jawaabi lahaayeen baahiyaha kala duwan ee ardayda, iyadoo la raacayo halbeegyada Macallimiinta Somaliland.
Masuuliyiintii ka qaybgalay munaasabadda furitaanka tababarka ayaa xusay in tayada macallinku tahay laf-dhabarta waxbarasho tayo leh, iyaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in macallimiinta cusub la siiyo tababarro kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfaddooda shaqo.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Waxbarashada ee lagu tayaynayo awoodda macallimiinta iyo kor loogu qaadayo tayada waxbarashada, gaar ahaan iyadoo la xoojinayo xirfadaha macallimiinta cusub ee ka hawlgeli doona gobollada kala duwan ee Somaliland.