Burco: Ciidanka Dabdemiska oo Badbaadiyey Hooyo Laba Cisho Gurigeeda Ku Xanuunsanayd

Tuesday October 27, 2026 - 11:37:31
hadhwanaagnews
Hooyada oo Laga Soo Badbaadiyey Gurigeeda



Burco (Hadhwanaagnews) – Ciidanka Dabdemiska magaalada Burco ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan hooyo la nool xanuunka dhiigkarka oo muddo laba cisho ah la la’aa, kaddib markii ay xaalad miir-doorsoon ah ugu xanuunsatay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Caqiibo ee degmada Sheekh Bashiir.

 

Jaarka hooyadan ayaa Ciidanka Dabdemiska ku wargeliyey maqnaanshaheeda, kaddib markii ay muddo waayeen xidhiidhkeeda. Arrintan ayaa timid markii aabbaha qoyska oo safar ku maqnaa uu dadka jaarka ah ka codsaday inay xaaladdeeda ka war-helaan.

 

Hooyada oo Laga Soo Badbaadiyey Gurigeeda

 

Ciidanka Dabdemiska ayaa ugu dambayn ku guulaystay inay guriga oo xidhnaa ka soo saaraan hooyada oo keligeed ahayd. Waxa ay dabadeed ku wareejiyeen laamaha ammaanka, kuwaas oo u sii gudbiyey Cusbitaalka Guud ee Burco si loogu dabiibo.

 

Baaq ku Saabsan Daryeelka Dadka Waaweyn

 

Ciidanka Dabdemiska ayaa bulshada ugu baaqay inay si gaar ah ula socdaan xaaladda caafimaad ee waalidiinta iyo dadka waaweyn ee qaba xanuunnada keeni kara suuxdinta ama dhicitaanka.

 

Waxa kale oo ay bulshada kula taliyeen inaan dadka xaaladaha caafimaad ee noocaas ah qaba muddo dheer kelidood looga tegin guryaha, si looga hortago khataraha ka dhalan kara xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

     
Loading...