hadhwanaagnews

Gabiley (Hadhwanaagnews) – Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa ku guulaystay inay damiyaan dab qabsaday guri jiingad ah oo ku yaalla xaafadda New Gabiley ee magaalada Gabiley.
Gurigan oo ka koobnaa afar qol ayaa dabku qabsaday, hase yeeshee ciidanka ayaa ku guulaystay inay xakameeyaan dabka oo ahaa mid fidayey. Sida xogta laga helay dhacdadan lagu sheegay, ma jirin wax khasaare nafeed ah oo uu dabku sababay.
Baaq Digniin ah oo Loo Jeediyey Bulshada
Ciidanka Dabdemiska ayaa bulshada uga digay khatarta dabka, iyaga oo ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan, kana fogaadaan wax kasta oo sababi kara dab iyo gubasho keeni karta khasaare kala duwan iyo burbur hantiyeed.
Waxa kale oo bulshada lagu boorriyey inay ka hortagaan xaaladaha keeni kara masiibooyinka dabka, si loo ilaaliyo nolosha dadka iyo hantidooda.