hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab Sandheere, ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku yihiin muraayadda laga dheehdo amniga dalka, isaga oo ammaanay dedaalka, naf-hurnimada iyo adeegga ay qaranka u hayaan.
Wasiirku waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibadda sannad-guuradii 33-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, isaga oo yidhi:
"Ciidanka Boolisku waa muraayadda laga daawado amniga waddanka.”
Wasiir Cabdalle ayaa tusaale u soo qaatay 120 kun oo qof oo ajaanib ah oo Somaliland martigelisay bishii Sebtembar, kuwaas oo uu sheegay inay la dhaceen nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.
Waxa uu xusay in Ciidanka Boolisku ku shaqeeyaan duruufo adag, hase yeeshee ay muujiyaan dedaal iyo naf-hurnimo ay ugu adeegayaan qaranka Somaliland.
Wasiirka ayaa ugu dambayn bogaadiyey hawlaha ay ciidamadu qaranka u hayaan, isaga oo tilmaamay doorka ay ku leeyihiin ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka.