Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Dalka Ugaandha oo Hanjabay

Monday November 23, 2026 - 13:00:57
" ninkii aan ka maqlo isagoo leh 'waan jeclahay' haweeney, waxaan siin doonaa 100 jeeda

Taliyaha ciidamada difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku hanjabay inuu ul ku garaaci doono ninkii reer Uganda ee uu ka maqlo isagoo oranaya haweeney ayaan jeclahay. Wuxuu sheegay inuu ninkaas ku garaaci doono 100 jeedal.

Qoraal uu soo saaray, Muhoozi ayuu ku sheegay inuu isagu shakhsi ahaan hubin doono in ninkaasi la ciqaabo. Hanjabaaddan ayuu uga jeediyay ragga goob fagaare ah, hase yeeshee, ma uusan sheegin sababta hadalkan ku kalliftay, mana uusan magacaabin nin gaar ah oo uu ula jeeday.

" ninkii aan ka maqlo isagoo leh ‘waan jeclahay’ haweeney, waxaan siin doonaa 100 jeedal ,” ayuu Muhoozi ku yiri qoraal uu Sabtidii, 21-kii bishaan Nofeembar 2026, soo dhigay baraha bulshada.

Ninkaan ayaa sidoo kale maalmo ka hor ku hanjabay inuu xiri doono ciddii wax ka sheegta qoyskiisa oo aabbihii ugu horreyo.

Source BBC Somali


     
Loading...