Madaxweynaha Indonesia oo raalli-gelin ka bixiyey qiiqa dabka kaymaha ee gaadhay Singapore iyo Malaysia

Monday November 16, 2026 - 10:33:01
hadhwanaagnews
"Waxaan kala noqonay 17 ruqsadood oo ay haysteen shirkado. Dhanka kale, 26

Hadhwanaagnews.com | Manila, Filibiin | Madaxweynaha dalka Indonesia, Prabowo Subianto, ayaa raalli-gelin ka bixiyey qiiqa iyo ceeryaamada ka gudbay xuduudaha dalkiisa, kuwaas oo gaadhay waddamada Singapore iyo Malaysia, kadib dab muddo bilo ah ka socday kaymaha Indonesia.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Indonesia, Prabowo ayaa raalli-gelinta jeediyey intii uu socday kulan ka mid ah shir-madaxeedka ururka ASEAN, kaas oo Axaddii ka furmay magaalada Manila ee caasimadda dalka Filibiin.

Prabowo ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu tallaabo adag ka qaadayso shirkadaha lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin dababka ka kaca kaymaha, isla markaana ay diyaarinayso aasaasidda hay’ad cusub oo xoojinaysa ka hortagga dababkaasi.

"Waxaan kala noqonay 17 ruqsadood oo ay haysteen shirkado. Dhanka kale, 26 shirkadood ayaa hadda baadhitaan lagu hayaa, halka 11 shirkadood dacwado lagu soo oogay. 23 shirkadood oo kalena waxay ku jiraan liiska shirkadaha dacwadaha lagu soo oogayo,” ayuu yidhi Prabowo.

Waxa uu intaas ku daray in guud ahaan 104 shirkadood ay hadda baadhitaan ku hayaan booliska Indonesia.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Indonesia ay hawlgelisay 71,000 oo shaqaale ah oo ka qayb qaadanaya daminta dababka kaymaha, isaga oo xusay in 16 qof ay ku dhinteen hawlgallada lagula dagaallamayo dabkaas.
     
Loading...