Hay'adda Hawlgabka Somaliland oo Diyaarinaysa Diiwaangelinta Shaqaalaha Gaadhay Da'da Hawlgabka 2026

Sunday November 01, 2026 - 12:52:18
hadhwanaagnews
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa, isla markaana



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Mudane Saleebaan Maygaag Obsiiye, ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasime Waaxeedyada Cududda Shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa, isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ee gaadhay da’da hawlgabka sannadka 2026.

 

Shirkan ayaa qayb ka ah diyaar-garowga Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda ee diiwaangelinta shaqaalaha buuxiyey shuruudaha hawlgabka sannadkan.

     
Loading...