xogbaahin.com
Boorama (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Cumar Shuceyb Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tagay Sayladda Xoolaha ee magaalada Boorama, halkaas oo uu ku qiimeeyey xaaladda dayactirka iyo baahiyaha kaabayaal ee xarunta.
Wasiirka iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dhismayaal cusub oo lagu casriyeynayo Sayladda Xoolaha Boorama, kuwaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada loo fidiyo xoolo-dhaqatada iyo ganacsatada.
Horumarinta iyo casriyeynta sayladdu waxay sidoo kale qayb ka qaadanaysaa xoojinta ganacsiga xoolaha ee Gobolka Awdal, iyadoo la rajaynayo in adeegyada xaruntu noqdaan kuwo daboola baahiyaha bulshada iyo ganacsatada ku hawlan xoolaha.