hadhwanaagnews
Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, oo ay weheliyaan Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud, ayaa kulan la yeeshay madaxda mashaariicda hay’adaha la shaqeeya Wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta, isku-dubbaridka iyo dardargelinta mashaariicda horumarinta xoolaha iyo reer miyiga, si loo kordhiyo waxtarka adeegyada loo fidiyo xoolo-dhaqatada iyo bulshada reer miyiga.
Intii uu kulanku socday, waxaa la isla qaatay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta u dhexaysa Wasaaradda iyo hay’adaha, isla markaana la mideeyo qorshayaasha horumarinta xoolaha iyo reer miyiga.
Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay qayb ka yihiin dadaallada lagu kordhinayo waxtarka mashaariicda socda iyo sidii adeegyada horumarineed si hufan loo gaadhsiin lahaa xoolo-dhaqatada iyo bulshada reer miyiga.