"Shacabka Somaliland waxaan ku boorinayaa inay gacmaha is qabsadaan,
Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Mire Giirre, ayaa shacabka ugu baaqay midnimo, isku duubni iyo wadajir, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in dedaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ka waddo dibadda ay taageero iyo wadajir kala kulmaan gudaha dalka.
Mudane Siciid Mire Giirre ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka Somaliland ay gacmaha is qabsadaan, isla markaana ay muujiyaan isku duubni ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in dedaallada dibadda laga wado ay muhiim tahay in laga dareemo gudaha dalka, si loo xoojiyo wadajirka bulshada.
"Shacabka Somaliland waxaan ku boorinayaa inay gacmaha is qabsadaan, dedaallada dibadduna ka muuqdaan gudaha dalka,” ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada JSL.
Waxa kale oo uu sheegay in labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ay yeesheen fadhi wadajir ah intii Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay safarka ku maqnaayeen. Sida uu sheegay, fadhigaasi waxa uu la xidhiidhay taageerada qaddiyadda Somaliland iyo madax-bannaanideeda.
Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa hadalkiisa ku muujiyey muhiimadda ay leedahay in dedaallada diblomaasiyadeed iyo isku duubnida gudaha dalka ay is barbar socdaan, si loo xoojiyo wadajirka iyo danaha guud ee Somaliland.