Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo shaqo toos ah u ballanqaadday ardayga ugu sarreeya Veterinary Medicine

Thursday August 20, 2026 - 15:30:14
xogbaahin.com
Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay dhiirrigelin u noqonayso ardayda



Burco (Hadhwanaagnews.com): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Axmed Cismaan Jaamac, ayaa shaaciyey fursad shaqo oo dhiirrigelin u ah ardayda barata cilmiga daryeelka iyo caafimaadka xoolaha.


 

Agaasimaha Guud ayaa ballanqaaday in ardayga ugu sarreeya kulliyadda Daryeelka Xoolaha iyo Caafimaadkooda (Veterinary Medicine) ee Jaamacadda Burco si toos ah loogu dari doono shaqaalaha rasmiga ah ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga.


 

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay dhiirrigelin u noqonayso ardayda dhigata kulliyadda, isla markaana ku boorrinaysa inay xoogga saaraan waxbarashada iyo horumarinta aqoontooda.


 

Sidoo kale, qorshahan ayaa xoojinaya wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Jaamacadda Burco, gaar ahaan dhinaca horumarinta aqoonta iyo xirfadaha la xidhiidha caafimaadka xoolaha.

 

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta Jaamacadda Burco ay ka qalin-jabiyeen arday tiro badan oo dhammaystay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

     
Loading...