hadhwanaagnews
Hargeysa — Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa si rasmi ah uga soo horjeesatay korodhka qiimaha roodhida ee lagu dhawaaqay 26-kii Sebtembar 2026, iyadoo sheegtay inaanay jirin sabab cad oo xilligan loo sameeyo qiime cusub.
Wasaaraddu waxay sheegtay in korodhka qiimaha roodhidu uu culays dhaqaale ku kordhin karo qoysaska iyo bulshada dakhligoodu hooseeyo, iyadoo ku baaqday in la ilaaliyo awoodda wax-iibsiga bulshada iyo xasilloonida suuqa.
Sidoo kale, Wasaaradda Ganacsiga ayaa sheegtay in ururka isku magacaabay Ururka Warshadaha Foorinka (Somaliland Bakery Association) aanu ka diiwaangashanayn Wasaaradda, isla markaana aanu lahayn shakhsiyad qaanuuni ah oo u saamaxaysa inuu si rasmi ah u metelo ganacsatada.
Wasaaraddu waxay xubnaha ururka ugu baaqday inay caddeeyaan sharcinimadooda iyo awoodda ay u leeyihiin inay magaca ururkaas ku metelaan ganacsatada, iyadoo xustay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku shaqaysa magac ama matalaad aan waafaqsanayn xeerarka dalka.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa sidoo kale ku celisay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida suuqa iyo awoodda wax-iibsiga bulshada, gaar ahaan qoysaska dakhligoodu hooseeyo.