HADHWANAAGNEWS
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa sheegay in dhisme cusub oo lagu kordhiyey Wasaaradda lagu hirgeliyey miisaaniyadda qaranka.
Wasiirku waxa uu sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, isaga oo ku amaanay siyaasaddooda ku aaddan horumarinta iyo quruxinta hay’adaha caddaaladda.
Isaga oo arrintaas ka hadlaya ayuu yidhi:
"Annaga oo fulinayna amarkiinna, dhismahan cusub ee quruxda badan waxaan ka hirgelinnay miisaaniyadda Qaranka. Waxaan uga mahadcelinaynaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka in caddaaladdu qurux badnaato, taas oo ay sabab u tahay siyaasaddiinna.”
Wasiirka ayaa xusay in dhismahan cusub uu qayb ka noqonayo dadaallada lagu xoojinayo adeegyada caddaaladda iyo hagaajinta kaabayaasha wasaaradda, si loo kordhiyo tayada shaqada ay u hayso bulshada.