HADHWANAAGNEWS

Guddoomiyaha cusub ee Guddida Agaasinka Hay’adda Dekedaha iyo Aaga Cashuuraha ka Caagan, Mudane Maxamed Maarshaal, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, isagoo bilaabay waajibaadkiisa hoggaamineed.
Guddoomiyuhu waxa uu ballanqaaday inuu horseedi doono hoggaan hufan oo daahfuran, isla markaana uu dardar-gelin doono horumarinta dekedaha iyo kobcinta maalgashiga la xidhiidha.
Waxa uu xusay in hay’addu door muhiim ah ka qaadato koboca dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamed Maarshaal ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo ka faa’iidaysiga fursadaha maalgashi iyo horumarinta adeegyada dekedaha, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka loona abuuro fursado cusub oo ganacsi.