HADHWANAAGNEWS
Wasiirka cusub iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha Somaliland ee dhawaan la magacaabay ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta wasaaradda, si ay ula socdaan hawlaha shaqo ee ka socda iyo habsami u socodka adeegyada ay bulshada u hayso.
Mas’uuliyiintan ayaa kormeer ku soo maray waaxyaha kala duwan ee ay ka kooban tahay wasaaraddu, iyaga oo si dhow u eegay shaqooyinka maalinlaha ah ee ay fulinayaan shaqaalaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah bixinta adeegyada biyaha ee dalka.
Intii ay booqashadu socotay, wasiirka iyo ku-xigeenkiisu waxay la kulmeen qaar ka mid ah shaqaalaha, iyaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan dedaalkooda, si loo xoojiyo adeegyada biyaha loona gaadhsiiyo bulshada si hufan oo joogto ah.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada hoggaanka cusub ee wasaaradda ay ku doonayaan inay ku fahmaan shaqada gudaha iyo horumarinta adeegyada biyaha, iyada oo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo waxqabadka guud ee hay’adda.