Xeerka Caafimaadka Qaranka oo si rasmi ah loogu wareejiyey guddiga cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland

Saturday April 11, 2026 - 22:26:19
hadhwanaagnews
Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha



Hargeysa (Hadhwanaag News) – Guddi farsamo oo ka koobnaa Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey shaqadii iyo dukumentiyadii la xidhiidhay xeerka caafimaadka qaranka guddiga cusub ee arrimaha bulshada.


 

Guddigan oo ay hoggaaminaysay wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Marwo Samsam Maxamed Saalax, oo haatan ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ayaa soo gabagabeeyey hawlihii la xidhiidhay diyaarinta xeerka.


 

Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha guddiga cusub ee arrimaha bulshada, waxaana halkaasi laga jeediyey hadallo muhiim ah oo la xidhiidha marxaladda uu marayo xeerka caafimaadka qaranku.


 

Xildhibaan Axmed Khaliif Jaamac Saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen xeerka caafimaadka, isaga oo uga mahadceliyey doorkii ay ka qaadatay Marwo Samsam Maxamed Saalax diyaarinta xeerkaasi. Waxa uu xusay in xeerku aanu suurto galeen lahayn haddii aan la helin dadaalka wadajirka ah ee dhinacyadii ka shaqaynayey, isaga oo sidoo kale ku martiqaaday inay ka soo qaybgasho maalinta xeerka golaha la horgeynayo.


 

Dhankeeda, Marwo Samsam Maxamed Saalax ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay halka uu soo gaadhay xeerku, iyada oo uga mahadcelisay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarintiisa. Waxay sidoo kale ka codsatay xildhibaannada Golaha Wakiillada, oo tiradoodu dhan tahay 82 xubnood, in ay si masuuliyad leh u ansixiyaan xeerkan oo ay sheegtay inuu muhiim u yahay qaranka.


 

Xeerkan caafimaadka qaranka ayaa la filayaa in uu door weyn ka qaato horumarinta nidaamka caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee dalka, haddii si rasmi ah loo ansixiyo.

     
Loading...