hadhwanaagnews
Kooxda Arsenal ayaa ku guulaysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2025–2026, taasoo soo afjartay sugitaan 22 sano ah kadib markii ay qaaday koobkii ugu horreeyay tan iyo 2004. Arsenal ayaa xilli ciyaareedka ku dhamaysatay qaab cajiib ah, iyadoo taageerayaasheedu si weyn u dabaaldegeen hanashada horyaalka.
Saddex kooxood ayaa sidoo kale ku soo biiray Premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2026–2027, kuwaas oo kala ah Coventry City, Ipswich Town iyo Hull City. Coventry City waxay kusoo laabatay Premier League kadib maqnaansho 25 sano ku dhow, Ipswich Town waxay dib ugu soo noqotay hal sano kadib, halka Hull City ay kusoo baxday play-off-ka kadib guul adag oo Wembley ka dhacday.
Dhanka kale, saddex kooxood ayaa ka hadhay Premier League, kuwaas oo kala ah Burnley, Wolverhampton Wanderers iyo West Ham United, kadib xilli ciyaareed adag oo ay ku dhammeeyeen qeybta hoose ee kala sarreynta horyaalka.