Golaha Guurtida Somaliland Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Sunday July 12, 2026 - 13:18:15
hadhwanaagnews
Fadhiga, oo ay ka soo xaadireen 74 mudane, ayaa waxaa shir-guddoominayey Guddoomiye



Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagu doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha, kadib iscasilaaddii Guddoomiyihii hore, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

Fadhiga, oo ay ka soo xaadireen 74 mudane, ayaa waxaa shir-guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida, Mudane Axmed Cabdi Shide. Intii uu kulanku socday, Xoghayaha Golaha Guurtida, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa mudanayaasha u akhriyey waraaqdii iscasilaadda Guddoomiyihii hore.

 

Kadib habraacyadii doorashada, Golaha Guurtida ayaa si rasmi ah u doortay Guddoomiye cusub, kaas oo hoggaamin doona Golaha muddada soo socota, iyadoo la filayo inuu sii ambaqaado hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka Golaha Guurtida.

 

Doorashadan ayaa timid kadib markii Saleebaan Maxamuud Aadan uu xilka iska casilay, taas oo soo afjartay hoggaankiisii Golaha Guurtida ee socday muddo 22 sano ah.



     
Loading...