hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed, ayaa Khamiistii toddobaadkan si rasmi ah u dhagax-dhigay ceel-biyood cusub oo laga hirgelinayo magaalada Bali-kaliil ee Degmada Sabawanaag, Gobolka Maroodi-jeex, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu ballaadhinayo adeegyada biyaha nadiifta ah ee bulshada.
Mashruucan oo ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo Hay’adda Oxfam ayaa la filayaa inuu si weyn u yareeyo baahida biyaha ee ka jirta Bali-kaliil iyo deegaannada ku xeeran, isla markaana bulshada u suurtogeliyo helitaanka biyo nadiif ah oo joogto ah, kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka, nolosha iyo horumarka deegaanka.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, xildhibaanno, madax-dhaqameed iyo bulshada deegaanka, kuwaas oo muujiyey taageeradooda mashruuca, iyagoo tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo kor u qaadista nolosha bulshada.
Masuuliyiintu waxay xuseen in iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo hay’adaha horumarinta uu door muhiim ah ka qaadanayo hirgelinta mashaariicda waxtarka leh ee bulshada, isla markaana mashruucani uu noqon doono mid wax weyn ka beddela helitaanka biyaha ee deegaanka Bali-kaliil iyo guud ahaan Gobolka Maroodi-jeex.