Berbera iyo Kanada oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Adeegyada Bulshada

Thursday September 17, 2026 - 14:48:39
hadhwanaagnews
Waftiga oo uu hoggaaminayey Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Kanada, Mark Seniuk, ,,,



Berbera – Duqa Degmada Berbera, Mudane Maxamed Ibraahin Ismaaciil, ayaa kulan la yeeshay wafti sare oo ka socday Safaaradda Kanada ee Nairobi, Kenya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqaynta iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada bulshada ee degmada.

 

Waftiga oo uu hoggaaminayey Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Kanada, Mark Seniuk, ayaa Duqa Berbera kulan kula yeeshay xafiiskiisa, waxaana kulanka diiradda lagu saaray isu soo dhawaanshaha labada dhinac, iskaashiga iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada.

 

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqaynta iyo xidhiidhka dhinacyada, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha wax-ku-oolka u ah bulshada ku nool degmada Berbera.

 

Kulanka ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada shaqaynta u dhaxaysa maamulka degmada Berbera iyo dhinacyada caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha horumarinta adeegyada bulshada.

     
Loading...