hadhwanaagnews
Warbixin iyo falanqayn caalami ah oo lagu baahiyey barnaamijka The Brink ayaa iftiimisay muhiimadda sii kordhaysa ee Somaliland ku leedahay siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha Geeska Afrika, gaar ahaan marinnada ganacsiga ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Barnaamijka ayaa Somaliland ku tilmaamay deegaan leh xasillooni siyaasadeed, nidaam dimuqraadi ah iyo maamul shaqaynaya, xilli gobolka uu ka jiro loollan xooggan oo ay ku tartamayaan quwadaha waaweyn ee dunida.
Warbixinta ayaa xustay in Somaliland leedahay xeeb dheer oo istiraatiiji ah, taas oo door muhiim ah ka ciyaarta isu socodka ganacsiga caalamka, iyadoo xasilloonideeda iyo nidaamkeeda dawladnimo ay soo jiiteen indhaha waddamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga, kuwaas oo danaynaya amniga marinnada badeed iyo maalgashiga gobolka.
Suxufiga caanka ah Rageh Omaar oo ka mid ahaa ka qaybgalayaashii barnaamijka ayaa sheegay in Somaliland si cad ugu muujisay caalamka inay tahay deegaan dimuqraadi ah oo leh nidaam doorasho oo joogto ah, isla markaana awoodda si nabdoon loogu kala wareego. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in isbedel muuqda ku yimid qaabka ay beesha caalamku maanta u eegayso Somaliland, marka loo eego xaaladaha cusub ee gobolka.
Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay in Somaliland ay noqotay meel muhiim u ah istiraatiijiyadda amniga iyo dhaqaalaha gobolka, iyadoo la barbar dhigay xaaladaha amni ee ka jira meelo kale oo Geeska Afrika ah. Falanqayntu waxay muujisay in doorka Somaliland uu sii kordhin karo xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah ee ay la yeelan karto waddamada daneeya gobolka.