HADHWANAAGNEWS
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay in ciidanka boolisku diyaar u yihiin inay door laxaadleh ka qaataan ilaalinta deegaanka, iyagoo qeyb ka noqonaya dadaallada lagu badbaadinayo khayraadka dabiiciga ah.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in bishan April ay ciidanka boolisku 600 oo geed ka beereen xarunta taliska, taas oo qeyb ka ah qorshaha lagu horumarinayo bilicda deegaanka iyo xoojinta wacyigelinta ilaalintiisa.
"Ka boolis ahaan waxaanu diyaar u nahay in aanu ka qaadano doorkayaga ilaalinta deegaanka,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in ilaalinta deegaanka ay tahay masuuliyad guud oo u baahan wada shaqeyn, si loo gaaro bulsho leh deegaan nadiif ah oo waara.