hadhwanaagnews
Warbixin uu diyaariyey Stefan Tompson oo ah falanqeeye u dhashay dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay qaran leh taariikh dheer, horumar muuqda iyo muhiimad istiraatiiji ah oo sii kordhaysa.
Warbixinta oo uu qoray Stefan Tompson, aasaasaha madasha wararka ee Visegrád24, isla markaana uu soo xigtay Wargeyska Dawan, ayaa si qoto dheer u eegaysa taariikhda, halganka iyo horumarka Somaliland.
Taariikh iyo Halgankii Qarannimada
Warbixinta ayaa xustay in Somaliland ay hore u ahayd Maxmiyaddii Ingiriiska (British Somaliland Protectorate), isla markaana ay xorriyaddeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii.
Waxa lagu sheegay in xilligaas ay Somaliland heshay aqoonsi caalami ah, iyadoo ay aqoonsadeen in ka badan 30 dal oo xubno ka ahaa Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay soo martay halgan adag iyo dagaallo qadhaadh oo ugu dambayn horseeday dhismaha qaran leh hay’ado dowladeed iyo maamul shaqeeya.
Hay’ado Shaqaynaya iyo Nidaam Casri ah
Falanqaynta ayaa lagu sheegay in Somaliland maanta leedahay nidaam dowladeed oo shaqaynaya, ciidan qaran, lacag u gaar ah iyo hannaan doorashooyin oo si nabad ah ku dhaca.
Tompson ayaa sidoo kale xusay in magaalada Hargeysa ay si muuqata uga dhex muuqdaan astaamaha qaranimada sida calanka, hay’adaha dowladda iyo dareenka waddaniyadeed ee bulshada.
Dekedda Berbera iyo Muhiimadda Istiraatiijiga ah
Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay doorka Dekedda Berbera, iyadoo lagu tilmaamay xarun ganacsi oo muhiim ah oo saamayn istiraatiiji ah ku leh gobolka Geeska Afrika.
Waxa lagu sheegay in casriyeynta lagu sameeyey dekeddu ay kor u qaaday doorkeeda ganacsi iyo muhiimaddeeda gobolka.
Somaliland iyo Mustaqbalka Gobolka
Stefan Tompson ayaa warbixintiisa ku soo gunaanaday in Somaliland ay tahay qaran si joogto ah u dhisaya hay’adihiisa, isla markaana leh xasillooni iyo himilooyin horumarineed oo ka duwan duruufaha adag ee ka jira qaybo badan oo gobolka ah.