Somaliland Oo Dalbatay Inay Gaza U Dirto Ilaa 2,000 Askari, Haddii Maraykanka ama Israa'iil Si Rasmi Ah U Codsadaan

Monday September 14, 2026 - 09:28:14
hadhwanaagnews
Ciidanka caalamiga ah ee la qorsheynayo ayaa la filayaa in ugu dambayn,,,,,



Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay bixiso ilaa 2,000 askari oo qayb ka noqda ciidan caalami ah oo loo qorsheynayo xasilinta Gaza, haddii ay Maraykanka ama Israa’iil si rasmi ah uga codsadaan.

 

Madaxweyne Cirro oo hadalkan ka sheegay dhinacyada shirka MEAD, ayaa caddeeyay in Somaliland aysan xilligan si toos ah u soo bandhigin ciidamo ay Gaza u dirayso, balse ay ka fiirsan doonto ka qaybgalka haddii ay hesho codsi rasmi ah oo ka yimaada Maraykanka ama Israa’iil.

 

Ciidanka caalamiga ah ee la qorsheynayo ayaa la filayaa in ugu dambayn uu ka koobnaado ku dhawaad 20,000 oo askari. Sida lagu sheegay warbixinta, Uganda ayaa oggolaatay inay dirto ku dhawaad 1,200 askari, halka Morocco ay ballanqaadday inay bixiso ilaa 500 askari.

 

Ciidankan ayaa loo qorsheynayaa inuu gacan ka geysto sugidda amniga Gaza, tababarka ciidamada booliiska Falastiin, fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo iyo ka hortagga in Hamas dib u dhisto awooddeeda milatari.

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay ku dhawaad 25,000 oo askari, halka ciidamada ilaalada xeebaha ay tiradoodu gaareyso ku dhawaad 1,500 xubnood. Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay doonayso inay xoojiso xiriirka dhinaca amniga ee ay la leedahay Israa’iil iyo Maraykanka, gaar ahaan helitaanka qalab iyo tiknoolajiyad militari oo casri ah.

 

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in haddii mustaqbalka Somaliland ay ka hirgasho joogitaan amni oo Maraykan ama Israa’iil leeyihiin, ay arrintaasi gacan ka geysan karto xoojinta awoodda ka-hortagga khataraha amni ee gobolka.

 

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa beeniyay in Somaliland ay wada-hadallo la yeelatay Israa’iil ama Maraykanka oo ku saabsan in dhulkeeda loo adeegsado hawlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen ama in loo raro dad Falastiiniyiin ah oo ka barakacay Gaza.

     
Loading...