hadhwanaagnews
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diidday suuragalnimada ah in Israa’iil saldhig ciidan ka samaysato Somaliland, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi caqabad ku noqon karto madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in Muqdisho ay ka hor imanayso tallaabo kasta oo Israa’iil ay ku doonayso inay Somaliland ugu aqoonsato dal madax-bannaan ama ay ka samaysato joogitaan ciidan.
"Israa’iil ma aha dal aanu aqoonsannahay, mana aqoonsan karto qayb ka mid ah Soomaaliya. Waxaan difaacaynaa madaxbannaanida Soomaaliya,” ayuu Al-Cadaala ku sheegay wareysi uu siiyey telefishanka Al Arabiya.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa si gaar ah u sheegay inaanay Soomaaliya oggolaan doonin in Israa’iil saldhig ciidan ka samaysato Berbera, oo ah deked istaraatiiji ah oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan wararka iyo hadal-heynta ku saabsan xidhiidhka Israa’iil iyo Somaliland, oo sannadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, balse aan weli helin aqoonsi caalami ah oo ballaadhan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in Somaliland ay qayb ka tahay dhulka Soomaaliya, iyadoo dowladaha shisheeye ugu baaqday inay ixtiraamaan madaxbannaanida, midnimada iyo dhul-ahaanshaha Soomaaliya.
Arrinta Somaliland ayaa sidoo kale muhiimad istaraatiiji ah u yeelatay gobolka, maadaama ay ku taallo xeebta Gacanka Cadmeed, una dhow Badda Cas iyo marinnada muhiimka ah ee maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.
Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabooyinka ay u aragto inay lagama maarmaan u yihiin difaaca madaxbannaanida iyo dhul-ahaanshaha dalka.