Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Sheegay In Maalgelinta Dhallinyaradu Wax Ka Beddeli Karto Nolosha Qoysas Badan

Saturday October 10, 2026 - 14:49:29
hadhwanaagnews
Waxa uu tilmaamay in maalgelintaasi aanay ku koobnaan doonin oo keliya qofka



Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in maalgelinta lacagaha yar-yar ee lagu taageerayo dhallinyarada leh xirfadaha iyo hal-abuurka ganacsi ay door muhiim ah ka qaadan karto horumarinta noloshooda iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasibadda daahfurka mashruuca maalgelinta dhallinyarada oo uu soo qabanqaabiyey Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland, isaga oo xusay in taageerada dhaqaale ee la siinayo dhallinyarada hal-abuurka leh ay u noqon karto fursad ay ku abuuraan ganacsiyo u gaar ah.

Waxa uu tilmaamay in maalgelintaasi aanay ku koobnaan doonin oo keliya qofka helaya, balse ay saamayn togan ku yeelan karto qoysaska iyo bulshada inteeda kale, haddii dhallinyaradu ka faa’iidaystaan fursadaha loo abuurayo.

Wasiirka Khadar Xuseen Cabdi ayaa yidhi: "Waxa laga yaabaa lacagaha yar-yar ee dadka la siinayo inay dad la yaryihiin, balse waxa hubaal ah inay dad badan noloshooda wax ka beddelayaan.”

Hadalkan ayaa muujinaya muhiimadda ay maalgelinta ganacsiyada yaryar u leedahay taageeridda dhallinyarada leh xirfadaha iyo fikradaha ganacsi, kuwaas oo fursad u heli kara inay hal-abuurkooda u beddelaan ganacsi wax-soo-saar leh.

     
Loading...