Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shirkadaha Laydhka U Diray Digniin La Xidhiidha Roobabka

Sunday October 11, 2026 - 14:24:57
hadhwanaagnews
Wasiirku waxa uu sheegay inay muhiim tahay in shirkadaha laydhku muujiyaan



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa shirkadaha laydhka ee dalka faray inay shaqaalahooda geliyaan heegan, si looga hortago khataraha korontadu keeni karto xilliga roobabka.

Wasiirku waxa uu sheegay inay muhiim tahay in shirkadaha laydhku muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si looga hortago in korontadu sababto khasaare nafaha dadka soo gaadha, gaar ahaan xilliyada ay biyuhu ku badan yihiin biyo-mareennada.

Waxa kale oo uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan oo ay ka fogaadaan goobaha biyo-mareennada ah, maadaama la filayo roobab iyo biyo badan oo ka badan intii hore.

Wasiir Barkhad Jaamac Batuun ayaa yidhi:

"Shirkadaha laydhka ee dalka waxa la farayaa inay shaqaalahooda heegan geliyaan si aanu laydhku nafo u galaafan. Waa in shacabka JSL ay feejignaan ka muujiyaan goobaha biyo-mareennada ah, maadaama la filayo xaddi biyo ah oo intii ka badan.”

     
Loading...