Duqa Hargeysa oo Sheegay In Madaxweyne Cirro Heshiisyo Muhiim ah Kala Soo Noqday Israa'iil

Thursday June 25, 2026 - 14:32:23
hadhwanaagnews
Heshiisyo Wax Tar u Leh Dalka



Duqa Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu safarkiisii Israa’iil kala soo noqday heshiisyo muhiim ah oo wax weyn ka tari doona horumarka dalka iyo daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada.

 

Duqa ayaa ku tilmaamay booqashada Madaxweynaha ee Israa’iil mid taariikhi ah, isaga oo xusay in natiijooyinka ka soo baxay safarku ay faa’iido u yeelan doonaan Somaliland.

 

Heshiisyo Wax Tar u Leh Dalka

 

Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa sheegay in heshiisyada la gaadhay ay door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta adeegyada iyo koboca dhaqaalaha dalka.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waa safar taariikhi ah. Madaxweynuhu waxa uu soo galay heshiisyo badan oo dalka wax u taraya.”

 

Soo Dhawayn Ballaadhan

 

Duqa Hargeysa ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland ay si weyn ugu diyaar garoobeen soo dhawaynta Madaxweynaha iyo weftigiisa, kadib safarkii taariikhiga ahaa ee ay ku tageen Israa’iil.

 

Waxa uu tilmaamay in shacabka Somaliland ay soo dhawayntaas ku muujinayaan taageeradooda iyo sida ay u qiimaynayaan dedaallada Madaxweynaha ee la xidhiidha horumarinta danaha qaranka iyo xoojinta xidhiidhada caalamiga ah.

     
Loading...