hadhwanaagnews

Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan Legal Aid Clinic Human Rights Unit ee Kulliyadda Sharciga, ayaa soo gebagebaysay tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Qaxoontiga, kaas oo loo qabtay 100 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.
Tababarka ayaa waxaa ka faa’iidaystay 50 saraakiil sare iyo 50 xubnood oo kale oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska, kuwaas oo ay ku jireen dableyaal, alifleyaal iyo darajooyin kale. Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Jaamacadda Hargeysa ku xoojinayso aqoonta iyo xirfadaha ciidamada qaranka.
Tababarka oo ay iska kaashadeen Jaamacadda Hargeysa iyo hay’adda UNHCR ayaa diiradda lagu saaray ilaalinta xuquuqda aadanaha, sharciga qaxoontiga iyo hababka ugu habboon ee loola dhaqmo dadka gacanta lagu hayo, iyadoo xoogga la saaray ilaalinta karaamada, badbaadada iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta si waafaqsan shuruucda qaranka iyo heerarka caalamiga ah.
Masuuliyiinta tababarka bixisay ayaa xusay in ujeeddadu tahay kor u qaadista tayada adeegga booliska iyo in ciidamada lagu qalabeeyo aqoon ka caawinaysa gudashada waajibaadkooda si waafaqsan sharciga iyo xuquuqda aadanaha.
Munaasabadda lagu soo xidhayay tababarka waxaa si wadajir ah uga qayb galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Tacliinta ee Jaamacadda Hargeysa, Dr. Fu’ad Cabdi Obsiiye.
Taliyaha Guud ee Booliska ayaa bogaadiyey kaalinta Jaamacadda Hargeysa ee horumarinta aqoonta Ciidanka Booliska, isaga oo sheegay in tababarrada noocan ahi door muhiim ah ka qaataan xoojinta adeegga booliska iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Dhankiisa, Dr. Fu’ad Cabdi Obsiiye ayaa caddeeyey in Jaamacadda Hargeysa ay ka go’an tahay sii wadista barnaamijyada lagu kobcinayo awoodda hay’adaha qaranka iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Ciidanka Booliska Somaliland.

