hadhwanaagnews
Xeer-ilaaliyaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mawliid Cabdi Muuse, oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, ayaa sheegay in Xafiiska Xeer-ilaalintu door hoggaamineed ka qaadan doono hawlaha baadhista dalka.
Mawliid Cabdi Muuse ayaa sheegay in Xafiiska Xeer-ilaalintu isku dubbaridi doono, isla markaana hoggaamin doono xafiisyada baadhista, si loo xoojiyo hannaanka caddaaladda iyo fulinta waajibaadka sharciga.
"Xafiiska Xeer-ilaalintu isaga ayaa hoggaamin doona dhammaan xafiisyada baadhista,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha cusub ee Somaliland.
Xeer-ilaaliyaha cusub, oo dhawaan uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay xilkan, ayaa ballanqaaday inuu si hufan, masuuliyad leh iyo waafaqsan sharciga u gudan doono waajibaadka loo igmaday.
Mawliid Cabdi Muuse ayaa hadalkan sheegay munaasibadda uu si rasmi ah xilka ugala wareegay Xeer-ilaaliyihii hore, iyadoo laga filayo inuu mudnaanta siiyo xoojinta hawlaha xafiiska iyo nidaamka caddaaladda.