Madaxweyne Cirro: Somaliland Waxay Diyaar U Tahay Inay Ilaa 2,000 Askari Ku Biiriso Ciidanka Xasilinta Gaza

Thursday September 10, 2026 - 12:32:01
hadhwanaagnews
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in haddii Somaliland laga codsado inay



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay ilaa 2,000 askari ku biiriso ciidanka caalamiga ah ee la qorsheynayo in loo diro Gaza, si ay uga qayb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda gobolka.

 

Hadalkan Madaxweynaha ayaa lagu sheegay warbixin uu baahiyey wargeyska The Jerusalem Post, iyadoo Cirro uu arrintan kaga hadlay shirkii MEAD ee lagu qabtay magaalada Washington, D.C.

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in haddii Somaliland laga codsado inay ciidamo ku biiriso qorshahaas, ay diyaar u tahay inay ka jawaabto codsiga. "Haddii ay na weydiiyaan, waxaan siin karnaa askar,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey diyaar-garowgiisa, isaga oo yidhi: "Haddii ay i weydiiyaan, diyaar ayaan u ahay.”

 

Qorshaha ciidanka caalamiga ah ee Gaza ayaa la sheegay inuu ku jiro dalal kala duwan, iyadoo Uganda ay ansixisay inay dirto ilaa 1,200 askari, halka Morocco ay ku yaboohday ilaa 500 askari.

 

Sidoo kale, Albania, Kazakhstan iyo Kosovo ayaa lagu sheegay inay ballanqaadeen inay ciidamo ka qaybgelinayaan qorshaha ay hoggaaminayaan Maraykanku, kaas oo la qorsheynayo in tirada ciidamadu ugu dambayn gaadho ilaa 20,000 askari, kuwaas oo qayb ka noqon doona dadaallada lagu sugayo amniga Gaza.

     
Loading...