hadhwanaagnews

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta telefishannada Horn Cable TV, CBA TV, Horyaal TV, Bulsho TV iyo Sky Cable TV, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo horumarinta adeegyada warbaahinta.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa gudbinta xogta rasmiga ah, kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta u dhexaysa Wasaaradda iyo hay’adaha warbaahinta, isla markaana loo tayayn lahaa adeegyada warbaahineed ee bulshada loo gudbiyo.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa telefishannada u faahfaahiyey qorshaha cusub ee diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta, isaga oo sharaxay muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay habaynta iyo horumarinta warbaahinta dalka.
Masuuliyiinta telefishannada ayaa dhankooda soo dhaweeyey qorshaha cusub, iyaga oo muujiyey taageeradooda ku aaddan hirgelinta nidaamka diiwaangelinta iyo sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta.