hadhwanaagnews ![]() |
Gabiley (Hadhwanaagnews.com): Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa shir-guddoomiyey kulan looga hadlay xoojinta amniga iyo xasilloonida Gobolka Gabiley.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqaynta maamulka, laamaha amniga iyo bulshada, si loo adkeeyo nabadgelyada guud ee gobolka.
Masuuliyiintii ka qaybgalay kulanka ayaa sidoo kale isla soo qaaday qaadista tallaabooyin wax-ku-ool ah oo looga hortagayo fal kasta oo khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida Gobolka Gabiley.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga, wada-shaqaynta hay’adaha iyo ilaalinta nabadgelyada bulshada Gobolka Gabiley.


