hadhwanaagnews
Shir muhiim ah oo lagaga hadlay xoojinta amniga iyo nabadgelyada Gobolka Selel ayaa lagu qabtay Xarunta Maamulka Gobolka, iyadoo diiradda lagu saaray adkaynta wada-shaqaynta laamaha amniga, ilaalinta xeebaha iyo xuduudaha, iyo sugidda xasilloonida bulshada.
Shirka oo uu guddoominayay Badhasaabka Gobolka Selel, Prof. Xaaji Axmed Cabdillaahi Maxamed, ayaa waxa ka qayb galay Maayirka Degmada Saylac, Maxamuud Cigaal Wacays, Taliyaha Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Selel iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka iyo laamaha amniga.
Intii uu kulanku socday ayaa si gaar ah looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka, iyadoo sidoo kale la isla eegay ilaalinta xeebaha iyo xuduudaha Gobolka Selel.
Masuuliyiinta ka qayb galay shirka ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo sii adkayn lahaa nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee gobolka, iyo sidii hay’adaha ay khusayso ay uga wada shaqayn lahaayeen sugidda amniga bulshada.