Maxkamadda Gobolka M.Jeex oo Eedda Dib ugu Celisay Xafiiska Xeer-ilaalinta

Sunday October 04, 2026 - 20:19:32
hadhwanaagnews
Maxkamadda Gobolka M.Jeex, iyadoo dabaqaysa Qodobka 106-aad ee Xeerka Habka...


Subaxnimadii maanta waxaa Maxkamadda Gobolka M.Jeex la hor keenay eedaysanayaasha Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi iyo Suxufi Cabdiqani Xuseen Abokor, kuwaas oo hore loogu qorsheeyey in Maxkamaddu kaga dhawaaqdo go’aanka ay ka gaadhay is-hortaaggii sharci ee ay Qareennada Difaacu horay uga soo gudbiyeen dacwadda.

Maxkamadda Gobolka M.Jeex, iyadoo dabaqaysa Qodobka 106-aad ee Xeerka Habka Ciqaabta, ayaa go’aamisay in eedda dacwadda dib loogu celiyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka M.Jeex, iyadoo faraysa Xafiiska Xeer-ilaalintu inuu dib u eego oo wax ka beddelo eedaha loo soo jeediyey eedaysanayaasha, si loo waafajiyo habraaca sharciga loona gaadho caddaalad.

Go’aanka Maxkamaddu wuxuu ku soo beegmay kaddib markii Difaacu horay uga keenay is-hortaag sharci oo la xidhiidhay eedaha loo soo jeediyey eedaysanayaasha.

Sidaa darteed, arrinta hadda waxay dib ugu laabatay Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka M.Jeex, kaas oo loo xilsaaray inuu sameeyo dib-u-eegista iyo sixitaanka eedaha sida uu go’aanka Maxkamaddu farayo.

Waxaan eedaysanayaasha Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi iyo Suxufi Cabdiqani Xuseen Abokor u rajaynayaa sinnaan, caddaalad, nabad iyo wanaag, waxaana rajaynayaa in dhammaan marxaladaha dacwaddu u dhacaan si waafaqsan sharciga iyo mabaadi’da caddaaladda.

"Xaqsoore waa Alle.”

W/Q: #Garyaqaan_Tawakal_Ibrahim

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...