hadhwanaagnews
Hargeysa — Kulanka Islaamiga ah ee culimada iyo ducaadda Tabliiqa ayaa saaka lagu soo gabagabeeyay deegaanka Burcada Yar ee bariga magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah u soo xidhay kulanka oo ahaa mid sannadle ah, kaas oo ay ka qayb galeen kumannaan qof oo ka kala yimid gudaha Somaliland iyo meelo kala duwan oo dunida ah.
Kulanka ayaa muddo socday, waxaana isugu yimid culimo iyo ducaad ka qayb qaadanayay barnaamijyo diini ah iyo wacyigelin la xidhiidha arrimaha bulshada iyo diinta Islaamka.
Munaasabadda xidhitaanka ayaa lagu qabtay duleedka magaalada Hargeysa, iyadoo Madaxweyne Ku-xigeenku halkaasi kaga qayb galay gebagebada kulanka sannadlaha ah.